Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: Somali Argagixisanimo loo Xukumay


Maxkamad ku taalla magaalada Minneappolis ee gobalka Minnesota, ayaa galankii danbe ee shalay ku riddday xukunno xasbi ah laba dhalinyaro Somali ah oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin isla-markaana midkood ka soo bar-bar dagaallamay ururka al-Shabaab ee dalka Somalia.

Labadan dhalinyarada ah ayaa ka mid ah ilaa 9 qof oo Soomaali ah oo loo haysto dacwooyin la xiriira inay taageereen ururka al-Shabab, kuwaasoo afar ka mid ah maanta maxkamadi go’aan ka gaari doonto.

Labadan dhalinyarada ah ayaa kala ah Maxamuud Siciid Cumar oo lagu xukumay 20 sano oo xarig ah iyo Kamaal Siciid Xasan oo lagu xukumay 10 sano oo xarig ah.

Hadaba Sadiiq Warfaa oo ka shaqeeya arrimaha bulshada Soomaalida ee gobolka Minnesota, ayaa VOA uga waramay xukunnadii shalay iyo kuwa maanta la filayo lagu rido dhalinyarada kale ee Soomaalida ah ee lagu eedeynayo inay ku lug leeyihiin falal argagixisanimo.

Wareysiga Sadiiq Warfaa halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:49 0:00
XS
SM
MD
LG