Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maamulka Duulimaadka Hawada oo Somalia lagu Wareejinayo


Saraakiil ka socota Qaramada Midoobay iyo dowladda Somalia ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ku saabsan sidii Somalia dib loogu soo celin lahaa maamulka duulimaadyada hawada ee Somalia.

Saraakiil ka socday kooxda CACAS oo ah kooxda maamusha hawada Somalia oo fadhigoodu yahay Nairobi, hay’adda UNDP iyo hay’addo kale ayaa kulan la qaatay wasiirka warfaafinta ee Somalia, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi. Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Somalia ay bilowday soo wareejinta maamulka hawada oo dhawaanna ay taasi dhici doonto, sidoo kale garoommada Muqdisho iyo Nairobi ay haatan si wadajir ah uga wadashaqeynayaan maamulka hawada Somalia, iyadoo wixii hadda ka danbeeyana dowladda Somalia wax laga weydiin doono ogolaanshaha duulimaadyada hawadeeda.

Warbixin arrintaas ku saabsan hoosta ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:51 0:00
XS
SM
MD
LG