Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan: Kuma Lug Yeelaneyno Colaadda Syria


Turkey's Prime Minister Recep Tayyip Erdogan (2013 photo)
Turkey's Prime Minister Recep Tayyip Erdogan (2013 photo)
Ra’isul wasaaraha dalka Turkiga Racep Tayip Erdogan ayaa wacad ku maray in dalkiisa uusan ku lug yeelan doonin dagaalka sokeeye ee Suuriya ka socda, maalin ka dib markii qaraxyo bambaano oo mataana oo gawaari loo adeegsaday ay ka dhaceen magaalo ku taala xadka Turkiga uu la wadaago Suuriya, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 46 qof.

Isagoo axadii shalay ka hadlayay magaalada Istanbuul ayuu Mr. Erdogan sheegay in Suuriya ay ka feejigantahay qaabka ay u wajaheyso daandaansiga la doonayo inay dhexda looga rido mushkiladda ka socota Suuriya.

Masuuliyiinta dowladda Turkiga ayaa sheegay in sagaal qof oo u dhashay Turkiga ay u xireen qaraxyadii ka dhacay Sabtidii magaalada la yirahdo Reyhanli, kuwaasoo looga shakiyay inay ka dambeeyeen sirdoonka Suuriya.
Laakiin suuriya ayaa beenisay eedeyntaasi, kuna tilmaantay mid aan ka mid aheyn mabaa’diida Xukumadda Suuriya.
XS
SM
MD
LG