Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashada Pakistan oo Qaraxyo lagu Weeraray


.
.
Doorashooyinka Pakistan oo Sabtidan maanta ah ka furmay dalkaas, ayaa waxaa hareeyey rabshado ay ku dhinteen ugu yaraan 16 qof

Iydoo ay dadka reer Pakistan isugu soo baxeen goobaha codbixinta si ay u doortaan 272 xubnood oo u tartamaya golaha baarlaanka, ayaa waxaa magaalada Karachi ka dhacay laba qarax oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof. Qaraxyada ayaa ka dhacay xafiiska ololaha siyaasadda ee Xisbiga Awawi National Party, kaasi oo ka mid ah xisbiyada ay kooxda Taalibaan u bartilmaameedsadeen arrimaha la xiriira doorashada.

Weerar ka dhacay gobalka koofur-galbeed ee Baluchistan ayaa isna waxaa ku dhintay afar qof.

Si kasta oo ay tahayba goobaha codbixinta ee dalka Pakistan waxaa maanta isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan, iyadoo ay meelaha qaarna ilaa iyo hadda ka dhaceen, weeraro lagu bartilmaameedsanayo doorashada.

Xibiga PTI Party oo uu hogaaminayo Imran Khan oo hore u ciyaari jiray ciyaarta cricket-ka, ayaa loolan xooggan galiyey labada xisbi ee kale ee mudada dheer hor boodayey siyaasadda dalkaas.

Laakiin Khan oo taageero ballaaran ka heysta codbixiyayaasha dhalinyarada ah ee dalka Pakistan, ayaa hoos u dhac ku yimid xisbigiisa ka dib markii uu galay isbitaal, uuna awoodi waayey inuu ka soo muuqdo goobaha ololaha ee xisbigiisa.

Xisbiga Pakistan Muslim League ee uu hogaamiyo Ra’iisul-wasaarihii hore ee dalka Pakistan Nawaz Sharif, ayaa la filayaa inay ku guuleystaan inta badan musharaxiinta u tartamaysa kuraasta Baarlamaanka Pakistan.

Ra’yi uruurinta dadweynaha ee doorashada, ayaa mujineysa in xisbiga Pakistan Peaple’s Party uu ka hooseeyo xisbiyada kale ee la tartamaya. Xisbiga PPP ayaa xubinta ugu muhiimsani uu yahay madaxweyne Asif Ali Zardari oo ah seygii ra’iisul-wasaarihii hore ee la khaarajiyey ee Benazir Bhutto.

Xisbiga ku guuleysta kuraasta baarlamanka ee doorashada Sabtidan Maanta ah, ayaa waxaa horyaal hogaaminta dal ay heystaan hoos u dhac dhaqaale, musuqmaasuq siyaasadeed iyo weerarada kooxda Taliban.
XS
SM
MD
LG