Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baydhabo: Ciidamada Dowladda oo Isku Dhacay


Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa maanta daggan ka dib markii uu halkaasi dagaal dhaliyay dhimasho iyo dhaawac uu ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa dhashay markii ciidamo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 300 oo askari ay ka soo baxeen degaanadii ay ku sugnaayeen ee gobolka, iyagoo sida la sheegay ka gadooday xuquuq la’aan ka dibna soo galey gudaha magaalada Baydhabo.

Ciidanka ayaa markii danbe magaalada laga saaray. Taliyaha Ciidamada booliska gobolka, Col. Mahad Cabdiraxmaan Aaden ayaa VOA u sheegay in ciidankaasi ka hor intii aan laga saarin magaalada Baydhabo ay dhibaatooyin isugu jira kusfi iyo dhac ka geysteen gudaha magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran.

Wareysiga Col. Mahad Cabdiraxmaan Aaden halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:50 0:00
XS
SM
MD
LG