Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amnesty oo ka Hadashay Maxaabiista Eritrea


Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in dawladda Eritrea ay xidhay ugu yaraan 10 kun oo qof oo loo xidhay fikirkooda iyo siyaasadda ay aamnsanyihiin tan iyo 1993kii.

Maxaabiista ayaa waxaa ka mid ah siyaasyiin, dad isku dayay inay dalka ka dhoofaan, suxufiyiin iyo culi’maa’u diin.

Amnesty ayaa sheegtay in dadkan ay ku jiraan xabsiyo qarsoodi ah oo dalka ku baahsan.

Claire Beston oo Ha’ydda u qaabilsan arrimaha Eritrea, ayaa sheegtay in maxaabiis badan lagu xiray konteenaro dhulka hoostiisa ah, loona geystay jirdil iyo garaacis.

Amnesty ayaa ugu baaqday dawladda Eritrea inay sii dayso dhamaan maxaabiista u xidhan siyaasadda iyo afkaarta ay aaminsanyihiin, lana joojiyo jidhdilka.

Madaxweyne Isaias Afwerki iyo xisbigiisa aya soo hayay talada dalka tan iyo markii ay madaxbannaanida ka qaadatay dalka Ethiopia 24kii May 1993kii, mana dhicin labaatankaasi sano wax doorasho ah.

Warbixinta Amnesty oo dhan oo uu soo koobayo Huseen Barre halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:51 0:00
XS
SM
MD
LG