Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirada Dadkii ku Dhintay Bangladesh oo Korortay


Tirada dadkii ku dhintay burburkii dhismaha warshad dharka sameysa oo ku taala dalka Bangaldhesh ayaa gaartay 600, iyadoo shaqaalaha gurmadka ay sii wadaan baadi doonka meydad weli ku hoos jira bur burka.

Saraakiisha ayaa ku dhawaaqay tiradan cusub axadii shalay, laakiin waxey intaasi ku dareen inay filayaan in tirada ay intaasi ka badan karto.

Goob joogayaal ku suggan dhismaha Bur buray ayaa ku soo waramaya in weli urka ka soo baxaya meydadka bur burka ku hoos jira uu yahay mid hawada degaanka oo dhan qabsaday.

Shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay inaysan hubin tirada saxda ah ee meydadka weli ku hoos maqan bur burka.

Dhismahan ayaa bur buray 24kii bishii April, sidaa daraadeed saraakiishu waxey sheegeen waxaa ku adkaatay in la aqoonsado qaar ka mid ah meydadka laga soo saaro.

Waxaase ay sheegeen inay un ku tiirsanyihiin hadii meydadka la hela jeebabkooda ay ka helaan taleefano ama kaararka aqoonsiga.

Masuuliyiinta Bangaladhes ayaa u xiray ilaa iyo sagaal qof oo ay ku jiraan kuwii lahaa dhismaha iyo milkilayaasha warshado dhowr ah oo ku dhexyaalay, dhismahan oo ay ku dhex sugnaayeen dad ka badan 3 kun oo qof, markii uu bur burayay.
XS
SM
MD
LG