Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: 258,000 Qof ayaa ku Dhintay Machluushii 2011kii


Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in macluushii ka dhacday Soomaaliya sannadkii 2011-ka ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 258,000 kun oo qof oo Soomaali ah kuwaasi oo u dhintay cunno yaraan iyo xaaladaha nafaqo-darro ee ka dhasha.

Warbixin cusub oo Qaramada Midobay soo saartay ayaa sheegtay in dadka dhintay ay ku jiraan 133,000 oo carruur ah oo da’doodu ka yartahay 5 sano. Waxay warbixintu sheegtay in gobolka ay macluushu ugu darnayd ee Shabeellada Hoose in 18% carruurtii gobolkaasi ku noolayd ay dhinteen.

Saraakiisha Qaramada Midobay ayaa sheegay in inkastoo beesha caalamku ka digtay dhibaatada ka dhalan karta rooobabka la waayey ka hor macluusha, haddana beesha caalamku ka gaabisay inay ka hortagto maisibada.

Warbixinta Qaramada Midoobay iyo Falanqeyn la xiriirta halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:09:03 0:00


XS
SM
MD
LG