Isku xirrada

Muqdisho: Howlgallo Ammaanka Lagu Sugayo


Ciidmada dowladda Somalia ayaa maanta howlgallo dhinaca amaanka ah ka wada magaalada Muqdisho, iyagoo xiray wadooyin waaweyn iyo isgoysyo hal bowle u ah isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga magaalada.

Dadka Muqdisho ayaa ku soo toosay ciidamada dowladda oo fadhiya isgoysyada iyo wadooyin muhim ah, halkaa oo ay u diideen gaadiidka inay isticmaalaan, waxaana la arkayay saakay ardayda iyo dadweynaha oo lugeynaya wadooyinka.

Wariyeheena Maxamed Colaad Xassan oo Washington Jooga ayaa howlgalkaasi ujeedadiisa weydiiyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Somalia C/shakuur Cali Mire.

Wareysiga oo dhameystiran halkan hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG