Isku xirrada

R-Wasaaraha Syria oo Qarax ka Badbaaday


Ra’iisul-wasaaraha wadanka Syria Wael Al- Halqi, ayaa ka badbaaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo lagu weeraray baabuur kolonyo ah oo uu la socday gudaha magaalada Dimishiq.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in qaraxa ka dhacay degmada Mazzeh ee galbeedka magaalada caasimadda uu sababay dhimasho iyo dhaawac, hase ahaatee uu ka badbaaday ra-iisul-wasaaruhu.

Warbaahinta ayaa qaraxa ku tilmaantay inuu ahaa "weerar aragagixiso".

Dowladda Syria ayaa erayga argagixiso u adeegsata kooxaha ka soo horjeeda ee doonaya inay talada dalka kala wareegaan Madaxweyne Basharal- Assad.

Degamada Mazzeh ee magaalada Dimishiq waxa ay degaan u tahay saraakiil sarsare oo ka tirasan dowladda Syria.
XS
SM
MD
LG