Isku xirrada

Soomaalida Minnesota iyo Cudurka AIDS-ka


Warbixin ay soo saartey Waaxda Caafimaadka ee gobolka Minnesota ayaa lagu xusey tirada dadka qaba cudurka Aidska. Soomaalida ayaa wabixintu sheegtay in kaalinta 5-aad ay ka gashey dadka soo galootiga ah ee ku dhaqan gobolkaas ee uu cudurku hayo.

Warbixinta ayaa sidoo xustay in dumarku ay u badan yihiin dadka laga helay cudurkan. Tirada dadka laga helay ayaa 90 qof kor u dhaafaysa, hase yeeshee tiradan ayaa ah inta tagtey cusbitalada ee la baarey.

Dr. Cusmaan Xaraare ayaa VOA uga waramay warbixintan cusub iyo waxa ay xambaarsan tahay.
.
XS
SM
MD
LG