Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Matthew Bryden


Matt
Matt
Bilihii ugu dambeeyay waxa jiray mad madow soo kala dhex galay xiriirka dowladda Somalia iyo Ethiopia, kaas oo soo ifbaxay bishii la soo dhaafay markii ciidamada Ethiopia ay ka baxeen magaalada xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa talaadadii la soo dhaafay u sheegay baarlamanka Ethiopia in dowladiisa ay ka niyad xuntahay dowladda Somalia iyo qaabka ay wax ku wadaan ciidamada Nabad ilaalinta ee Midowga Africa, isagoo ku eedeeyay Amisom inay ku guul dareysatay inay fuliso balamo ay qaaday.

Waxuu Kaloo sheegay inay dar dargelinayaan in ciidamada Ethiopia ay ka soo baxaan Somalia sida ugu dhaqsiyaha badan.

Khamiistiina Wasiirka Arimaha dibadda ee Ethiopia oo la hadlayay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Ethiopia uu culeys dhaqaale ka heysto ciidamadeeda ku suggan gudaha Somalia.

Hadaba waa maxay Istraatiijiyadda Ethiopia ay ka leedahay Somalia, Waxaa su’aashaasi ay VOAdu hor dhigtay Matthew Bryden oo ah Madaxa Hay’adda Cilmi Baarista Sahan oo ka howlgasha Geeska Africa.

Wareysigaas waxaa warbixintan ku soo koobaya Maxamed Colaad Xassan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:34 0:00
XS
SM
MD
LG