Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Abwaan Cabdullaahi Dhoodaan oo Geeriyooday


Allaha u naxariistee Abwaan Cabdullaahi Macalin Axmed "Dhoodaan" ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Harar ee dalka Ethiopia.

Abwaan Cabdullaahi Dhoodaan waxa uu ka mid ahaa hal abuurka Soomaaliyeed ee caanka ku ah curinta suugaanta, khaasatan waxaa uu abwaanku kaalinta hore kaga jiray abwaanada Soomaaliyeed ee ka gabyey dhan walba oo nolosha ah.

Bahda jecel suugaanta Soomaalida ayaa waxa ay Abwaan Cabdullaahi Dhoodaan ku xasuustaan “Gabay Jacburka” oo ahaa suugaan uu kaga soocnaa abwaaniinta kale, bulshaduna ay aad ugu jecleyd.

Warbixin ku saabsan taariikh nololeedkii Abwaan Dhoodaan halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:17 0:00
XS
SM
MD
LG