Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Russia: Dad Ku Dhintay Dab ka Kacay Isbitaal


Shaqaalaha dabdamiska oo daminaya dab ka kacay Isbitaal lagu daryeelo dadka qaba xanuunada dhimirka oo ku yaala duleedka Moscow.
Shaqaalaha dabdamiska oo daminaya dab ka kacay Isbitaal lagu daryeelo dadka qaba xanuunada dhimirka oo ku yaala duleedka Moscow.
Saraakiisha wadanka Ruushka ayaa sheegay in dab ka kacay isbitaal lagu daryeelo dadka qaba xanuunada dhimirka oo ku yaalla meel u dhow magaalada Moscow, ay ku dhinteen 38 qof oo laba ka mid ahi ay ahaayeen shaqaale caafimaad sodon iyo lixna ay ahaayeen dad xanuunsan.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in laba ka mid ah dadka xanuunsan iyo qof shaqaale ah ay ka baxsadeen dabka oo Jimcahan maanta ah ka kacay magaalada Ramensky.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dabku uu si dhaqso ah ku faafay dhismahana uu burburiyey. Wakaalada wararka ee Faransiiska AFP ayaa sheegtay in dhismuhu uu ka sameysanaa alwaax lana dhisay sanadkii 1952dii.

Saraakiil u hadashay Wasaaradda Arrimaha Gurmadka deg-degga ah, ayaa sheegay in shaqaalaha dabdamisku ay isbitaalka yimaadeen saacad ka dib markii la soo wacay. Waxa ayna intaa ku dareen in dib u dhaca baabuurta dabdamiska ay keeneen jidka loo maro isbitaalka oo dhowr meelood ka xirnaa.

Ma jiro war sugan oo cadeynaya waxa dhaliyey dabka ka kacay isbitaalka.
XS
SM
MD
LG