Isku xirrada

Britain oo Dib u Furtay Safaaradeedii Somalia


Dawladda Biritan ayaa maanta magaalada Muqdisho dib uga furtay safaaradeedii 22 sano kadib markii diblomaasiyiinta Britain laga daadgureeyey halkaasi markii uu qarxay dagaalkii sokeeye ee Somalia.

Xoghayaha Arrimahja Dibedda ee Biritan William Hague oo booqasho ku tagay Muqdisho ayaa furay munaasabadda lagu furayay safaaradda, waxaana sidoo kale ka qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shekeh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Britain ayaa noqonaysa dowladdii ugu horreysay ee ka tirsan Midowga Yurub ee dib u furta safaaradeedii Muqdisho.

Furitaanka safaaraddan ayaa imanaya iyadoo Britain ay bilowga bisha soo socda London ku qabanayso shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Somalia, shirkaasi oo ay si wadajir ah u shir-guddoomin doonaan dowladdaha Britain iyo Somalia.

XS
SM
MD
LG