Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Borussia Dortmund oo 4-1 kaga Badisay R. Madrid


Ciyaar kubadda cagta ah oo aad u xiiso badan ayaa maalintii shalay dhex martay kooxaha Real Madrid ee dalka Spain iyo kooxda Borussia Dortmound ee dalka Jarmalka. Ciyaartaas ayaa natiijo culus oo 4 iyo hal ah lagaga badiyey kooxda Real Madrid oo la filayey inay iyadu guul gaarto.

Maalintii dorraad ahayd ayaa sidoo kale kooxda Barcelona ee ka dhisan dalka Spain, waxa iyada 4 iyo waxba kaga badisay kooxda Bayern Munich ee isla dalka Jarmalka.

Haddaba guul daradda labada kooxood ee dalka Spain ay kala kulmeen labada kooxood ee Jarmalka ayaa waxan ka wareystay Mahad Axmed Muse oo falanqeeya ciyaarta kubadda cagta, horeyna u ahaa macalin kubadda cagta tababara.

Mahad waxa uu marka hore ka hadlayaa ciyaartii shalay ee Real Madrid iyo Brussia Dortmond.


please wait

No media source currently available

0:00 0:04:16 0:00
XS
SM
MD
LG