Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo Qabatay Doonyo laga Leeyahay Iran


Ciidmada Ilaalada Badda ee Maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay shan doonyood oo si sharci darro ah uga kaluumeysanayey biyaha badda Boosaaso ee Puntland.

Doomahaan oo laga leeyahay dalka Iran ayaa waxaa saarnaa 78 nin oo ahaa shaqaale reer Iran ah, iyo 12 Soomaali ah oo ilaalo ka ahaa doonyaha, wateyna hubka fudud nuucyadiisa kala duwan.

Taliyaha Ciidamada Badda Puntland Col. Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay in doomuhu ay si sharci darro ah uga kaluumeysanayeen xeebaha Puntland ayna shalay ku soo qabteen howlgal aan cidina uga dhiman Ciidamada Badda ee Puntland.

Warbixin ku saabsan doonyaha iyo shaqaalaha gacanta lagu dhigay halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:52 0:00
XS
SM
MD
LG