Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bangladesh: Dad ku Dhintay Dhisme Dumay


Shaqaalaha Gurmadka Deg-degga ah iyo Dadweynaha oo Baadigoobaya Dad ka Badbaaday Dhismaha Dumay ee Dalka Bangladesh.
Shaqaalaha Gurmadka Deg-degga ah iyo Dadweynaha oo Baadigoobaya Dad ka Badbaaday Dhismaha Dumay ee Dalka Bangladesh.
Saraakiisha gurmadka deg-gegga ah ee dalka Bangladesh, ayaa sheegay inuu dumay dhisme ka koobnaa sideed dabaq oo ku yaala duleedka degmada Dhaka ayna ku dhinteen ugu yaraan 70 qof boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in shaqaalaha gurmadka deg-degga ahi ay weli wadaan howlaha ay dadka uga soo saarayaan burburka dhismaha oo ahaa goob ganacsi oo lagu magacaabo Rana Plaza Shopping Center, kuna taala xaafadda Savar.
Shaqaalaha Gurmadka deg-degga ah ee Bangladesh oo Ganac-siinaya Dadkii uu Dhismuhu ku Dumay
Shaqaalaha Gurmadka deg-degga ah ee Bangladesh oo Ganac-siinaya Dadkii uu Dhismuhu ku Dumay


Dhismaha ayaa waxaa ku dhexyaalay bangi, dukaamo iyo ugu yaraan hal warshad oo dharka sameysa.

Dhismayaasha ku yaala degmada Dhaka iyo nawaaxigeeda ayaan badanaa fulin sharciyada dhismaha ee dalka, tobanaan dad ah ayaa ku dhintay markii ay duntay warshad dharka sameysa oo ku taalay isla degaankaas sideed sano ka hor.
Qaar ka Mid ah Ehelka Dadkii ku Dhintay Dhismaha Dumay oo Murugo la Ooyaya.
Qaar ka Mid ah Ehelka Dadkii ku Dhintay Dhismaha Dumay oo Murugo la Ooyaya.

Bishii November ee sanadkii hore dab ka kacay warshad dharka sameysa ayaa waxaa ku dhintay in kabadan 100 qof oo shaqaale ah, taasi oo keentay walaac laga muujiyey amaanka warshadaha dharka sameeya ee dalka Bangladesh.

Wadanka Bangladesh ayaa ah kan labaad ee ugu balaaran warshadaha dharka sameeya ee caalamka.
XS
SM
MD
LG