Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Howlgalkii Ugu Balaaraa ee Amaan oo Muqdisho ka Socda


Ciidamada Dowladda Somalia iyo Kuwa Midowga Africa ayaa saakay howlgal balaaran oo dhinaca amaanka ah ka bilaabay xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Booliska Somalia, kuwa nabad suggidda iyo cutubyo ka tirsan ciidamada Amisom oo kaabaya ayaa saakay waaberigii isku geedaamay xaafadda Xamar jadiid ee Degamada Warta Nabadda iyo xaafado ku dhow dhow jidka Warshadaha.

Howlgalkan oo ahaa kii ugu balaaraa oo noociisa ah oo magaalada Muqdisho ay ka fuliyaan ciidamada wada jirka ah ayaa waxaa ka qeyb qaadanayay dayuuradaha Qumaatiga u kaca ee Helicopterska .

Dadka deegaanka ayaa sheegay in saakay ay ku soo tooseen ciidamada oo taagan albaabka guri kasta ee xaafadaha howlgalku ka socdo iyagoo baaritaan ku sameeynaya dadka galaya iyo kuwa ka baxaya xaafadaas.

Waxaa kaloo ciidamada ay beegsadeen guryo ku yaala xaafadahaasi.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ay la hadashay VOAda oo magacooda ka gaabsaday ayaa sheegay in howlgalka ay ku qaadeen meelo ay ku tuhmayaan qaar ka mid ah saraakiisha Al-shabab inay ku dhuumaaleysanayaan.

Weli lama oga faah faahinta ku saabsan howlgalkan oo weli socoda iyo hadii ay jiraan dad lagu soo qabqabtay.
XS
SM
MD
LG