Isku xirrada

Holwgal Dhinaca Amaanka ah oo Gaarisa ka Bilowday

  • Mohamed Shire

Saraakiisha Amaanka Magaalada Gaarisa ee Xarunta GoDowladda Kenya ayaa sheegtay in howlgal barlaaran oo ay ku xaqiijinayaan amaanka Gaarisa inuu bilowday.

Gudoomiyaha Degmada Gaarisa Macalin Maxamed ayaa sheegay in dadka degaanka ay fursad siiyeen si ey isag soo dhex saaraan dad uu sheegay inay ku dhex dhuumanayaan, laakiin maadaama ay ka soo bixi waaween in haatan ay ku qasabaaneed inay talaabo iyaga qaataan.

Waxuu ugu baaqay odayaasha iyo caaqilada Degamada Gaarisa ayuu ugu baaqay inay ilaa iyo maalinta Jimcaha ah ee soo socota ay ku soo gudbiyaan tirakoobka dadka ku nool guryaha xaafadaha kala duwan ee magaalada Gaarisa.

Tan iyo markii ay ciidamada dalka Kenya gudaha u galeen Somalia ayaa waxaa gobolka waqooyi bari ku soo badanayay falalka amaan darri oo ay ka wadaan kooxo lala xiriirinayo Al-shabab.

weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhaca magaalada Gaarisa ayaa waxaa ku dhintay sagaal qof ka dib markii ay koox hubeysan weerartay goob laga cunteeyo oo ku taala bartamaha magaalada.

warbixin ku saabsan arintaasi hoos ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG