Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Somalia oo Shirka Amaanka Afrika ka Hadlay


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Africa ay iska kaashan karto amaanka iyo la dagaalanka
argagixisada, kana adkaan karto hadii buu yiri ay kalsooni iyo wax qabad dhab ah la yimaadaan madaxdeeda.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay furitaanka shirka Tana Forum ee Amaanka Africa looga hadlayo ee ka socda magaalada Baxar Daar ee dalka Ethiopia.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay dalalka Africa inay u istaagaan ka hor tagista dambiyada qorsheysan, oo ay argagixisada ka mid tahay.

Waxa uu sheegay in iskashi iyo deris wanaag nabad lagu wada noolaado ay yihiin siyaabaha kaliya ee ay dalalka Africa ku gaari karaan iskaashi dhab ah iyo isku haleyn.

Waxa uu sheegay in marka Afrika guud ahaan la fiiriyo Somaliya ay tahay dalka ugu daran ee ay argagixsada dhibaato ku heyso, isla markaana ay u sii dheertahay burcad badeednimo.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday dalalka Africa inay si dhab ah u garab istaagaan Somalia, isagoo sheegay in Somalia oo nabad ah ay dani ugu jirto gobolka oo dhan iyo caalamkaba.
XS
SM
MD
LG