Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliiska Boston oo Gacanta ku Dhigay Tsarnaev


Booliska ayaa nolol ku soo qabtay wiilkii labaad ee looga shakisanaa inuu ku lug lahaa qaraxyadii ka dhacay magaalada Boston Isniintii la soo dhaafay, ka dib ku dhawaad 24 saacadood oo ay ka baadi goobayeen agagaaraha magaalada Boston.

Booliska ayaa ka soo qabtay Johar Tsarnaev oo 19 jir ah isagoo ku dhex dhuumaya doon taalay deyrka guri ku yaala magaalada Watertown ee duleedka magaalada Boston.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wiilkan uu dhaawacanyahay laakiin ma cada inta dhaawaciisa uu la egyahay.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo hadal kooban ka jeediyay Aqalka Cad wax yar ka dib marka boolisku ay soo qabteen wiilkan , ayaa u mahadceliyay hay’adaha amaanka ee mareykanka, isagoo dhinaca kale shacabka Mareykanka ugu baaqay in aaney ku deg deign go’aan ka gaarista sababta ka dambeysay weerarka.

Waxuu sheegay in uu dhimanyahay baaritaanka ka dib ayaa sheegay in
Dadkii daawanayay markii la soo qabanayay ayaa sawaxan iyo qeylo ugu hambalyeenayay Booliska iyo shaqaalihii kale ee gurmadka markii ay dhex marayeen magaalada.

Boolisku waxey sidoo kale sheegeen in sadex qof oo kale su’aalo lagu weydiinayo magaalada New Bedford, ee ku taala isla gobolka Massachusetts, iyagoo wax laga weydiinayo xiriirka ay la leeyihiin qaraxyadii Boston.

In ka yar 30 daqiiqadood markii booliska Massachusetts ay qaadeey amar dadka magaalada Watertown lagu siiyay inay guryahooda ku ekaadaan, ayaa rasaas laga maqlay meel ka mid ah magaalada, halkaas oo ay boolis fara badan ku baxeen.

FBI ayaa ku sheegtay Dzhokhar Tsarnaev iyo walaalkiis ka weynaa Tamerlan inay yihiin ragii looga shakiyay inay ka dambeeyeen qaraxyadii mataanaha ahaa ee Isniintii ka dhacay magaalada Boston, Orodkii Marathonka ee ka dhacayay.
Qaraxyada waxaa ku dhintay sadex qof 176 kalena wey ku dhaawacmeen.
Waxaana la aqoonsaday saacado un ka dib markii ay FBIdu sii deysay sawiradooda iyagoo rajo ka qabtay in dadweynuhu ay aqoonsadaan.

FBIda ayaa sheegtay inay heyso Muuqaal Fidiyow oo muukinaya Dzhokhar oo boors nooca dhabarka lagu qaata ah dhigaya marshibiyeediga meel ku dhow diilintii uu ku dhamaanayay orodka ee ay qaraxyadu ka dhaceen markii dambe.
Tamerlan ayaa lagu dilay israsaaseyn ku dhex martay isaga iyo booliska magaalada Watertown qamiistii la soo dhaafay, ka dib markii isaga iyo walaalkii ay dhac u geysteen dukaan cuntada lagu iibiyo oo ay halkaa ku dileen askari boolis ah.

Waxey sidoo kale xadeen gaari markii ay boolisku eryadeena waxey ka soo tuureen gaariga waxyaabaha qarxa.

Labda wiil ee walaalaha ee midkood la dilay kan kalena la hayo ayaa ka soo jeeda Chechniya, gaar ahaan gobolla Dagestan oo ku yaala koonfurta Ruushka.

warbixin ku saabsan dareenka Somalida ku nool Boston halkan hoose ka dhageyso.
XS
SM
MD
LG