Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FBIda oo sii Deysay Sawirada rag la Tuhunsanyahay


Two suspects
Two suspects
Hay’adda FBIda ayaa sii deysay sawirada iyo muuqada Fiidiyow eel aba nin oo ay uga shakisanyihiin inay ka dambeeyeen weeraradii ka dhacay magaalada Boston isniintii.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in go’aanka Qaranka Mareykanka uu qaatay uu yahay in canaan iyo cambaareyn la dul dhigo argagixisadii ka dambeeyay qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay Maglaadaasi, xilli uu halkaasi ka socday Orodka Marathonka ee caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa hadalkaasi u sheegay dadkii ka qeyb galayay xaflad lagu xusuusanayay dadkii wax ku noqday weeraradaasi oo ka dhacday Kaniisad ku taala Magalada Boston, ee gobolka Massachusetts.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmay iyadoo qarax ka dhacay warshad sameysa bacrimiyeyaasha beeraha oo ku taala gobolka Texas la sheegay inay ku dhinteen 15 qof 160 kalena ay ku dhaawacmeen.
XS
SM
MD
LG