Isku xirrada

Warbixinno ku Saabsan Qaraxyadii Boston


Saraakiisha dambi baarista ee Maraykanka ayaa ku hawlan sidii loo ogaan lahaa cidda ka dambaysa qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Boston oo lala beegsaday orodka caanka ah ee Boston Marathon.

Qaraxa ayaa illaa iminka sababay dhimashada 3 qof waxaana ku dhaawacmay 176 qof.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay mas’uuliydda qaraxa Boston.

Saraakiisha Maraykanku waxay ku tilmaameen fal argagixiso ah, waxaana uu noqonayaa weerarkii ugu weynaa ee noocaas ah ee lagu qaado dalkan Maraykanka tan iyo sanandkii 2011-ka kadib weerarradii lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Adduunka ee New York iyo Pentagon-ka.

Madaxda caalamka ayaa cambaareeyay weerarkan. Wararkii ugu dambeeyey ee weerarka iyo warbixinno la xiriira halkan hoose ka dhageyso.


XS
SM
MD
LG