Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IMF oo dib u Aqoonsatay Dowladda Somalia


Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa markii ugu horeysey muddo 22 sanno kadib oggolaatey in Somali ay dib uga mid noqoto hay’addaas .

War ka soo baxay Jimcihii shalay ayey IMFta ku sheegtay in go’aanka ay hayadu qaataday uu qeyb ka yahay taageerada caalamiga ah iyo aqoonsiga dowladda Somalia.

Waxeyse sheegtay hay’adu in Somalia aysan haatan la joogo xaq u yeelaneyn inay hesho maal gelin cusub ilaa ay iska bixineyso lacag ka badan $350 malyuun oo Dollar oo ay IMFta ku leedahay Somalia.

Talaabadan ayaa albaabada u fureysa dalalka deeqda bixiya iyo bangiyada kale ee horu marinta inay soo celiyaan xiriirkii maaliyadeed ee ay Somalia la lahaayeen.
Tan iyo sanadkii la soo dhaafay markii ay Somalia ka baxday ku meel gaarnimada waxaa soo badanayay dowladaha xiriirka la sameynaya Somalia.

Dowladda Mareykankan waxey si rasmi ah u aqoosatay bishii January e sanadkan, iyadoo sheegtay in Dowladda Somalia ay guulo la taaban karo ka gaartay xasilinta dalka iyo ka adkaanshaha Kooxda Al-shabab.

halkan ka dhageyso wareysi aan la yeelanay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somalia Dr Abdisalam Omar Hadliye.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:31 0:00
XS
SM
MD
LG