Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uhuru Kenyatta oo la Caleemo-saaray


Uhuru Kenyatta oo Jagada madaxweynenimo loo dhaariyey, xilkana kala wareegay Mwai Kibaki oo dhinaca bidix ee sawirka ka muuqda.
Uhuru Kenyatta oo Jagada madaxweynenimo loo dhaariyey, xilkana kala wareegay Mwai Kibaki oo dhinaca bidix ee sawirka ka muuqda.
Madaxweynaha cusub ee Kenya Mr. Uhuru Kenyatta, ayaa maanta lagu caleema saaray xaflad weyn oo ka dhacday garoonka ciyaaraha ee kasarani stadium ee magaalada Nairobi.

Xafladda caleema-saarka Mr. Kenyatta ayaa waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 100,000 oo qof oo ay ku jiraan ilaa iyo 15 hogaamiye oo ka kala socday wadamada caalamka.

Mr. Uhuru Kenyatta ayaa noqonaya madaxweynihii afaraad ee dalka kenya uu yeesho, waxaana aabihii Jomo Kenyatta uu ahaa madaxweyhihii ugu horeeyey ee ay Kenya yeelato.

Mr. Kenyatta iyo ku-xigeenkiisa William Ruto, ayaa maxkamadda caalamiga ah ee danbiyada ay u heystaa eedo la xiriira inay lug ku lahaayeen danbiyo ka dhan ah aadanaha kadib qalalaasihii ka dhashay doorashadii Kenya shan sano ka hor oo dad badan ay ku dhinteen.

Madaxweynaha cusub ee Kenya oo 51 jir ah ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da’da yaraa ee ay yeelato Kenya.

Warbixinta caleemasaarka Uhuru Kenyatta halkan hoose ka dhageyso

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:40 0:00

Warbixin ku saabsan taariikh nololeedka Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo falaqeyn la xiriirta waxyaabaha looga fadhiyo inuu wax ka qabto halkan hoose ka dhageyso.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:09:25 0:00

XS
SM
MD
LG