Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: Somalia Way u Qalantaa in Hub la Siiyo


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa qaaday talaabadii ugu horreysay ee uu taageerro military ku siinayo Soomaaliya.

Madaxweyne Obama ayaa soo saaray qoraal Isniintii shalay oo uu u diray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, John Kerry kaasoo uu ku sheegay in Soomaaliya ay u qalanto ama xaq u leedahay inay hesho qalab military oo difaac ah.

Talaabadan ayaa sida ugu dhaqsiyaha badan taageero military u siinayn Soomaaliya, hasse yeeshee waxay Xoghayaha Arrimaha Dibadda u ogolaanaysaa inuu ka fikiro talaabooyinkii uu qaadi lahaa mustaqbalka.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Obama ayaa sheegay in ogolaanshahan uu qeyb ka yahay caadiyaynta xiriirka u dhaxeeya Maraykanka iyo Soomaaliya.

Dhinaca kalena amar madaxweyne Barack Obama uu soo saaray 2-dii bishan ayuu ku sheegay inay sii taagnaanayso cunaqabatayntii Maraykanku kusoo rogay shaqsiyaadka carqaladda ku ah xasilooni Soomaaliya ka dhacda oo ay ku jiraan xubno ka tirsna ururka Al-Shabaab.

Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah u aqoonsatay dowladda Soomaaliya bilowgii sannadkan, waana markii ugu horreysay ee Washington ay aqoonsato dowlad Soomaaliyeed tan iyo sannadkii 1991.

Bishii la soo dhaafay, Golaha Amniga ee QM ayaa qeyb ahaan qaaday cunaqateyntii hubka ee Soomaaliya si ay taasi gacan uga geysato teyeynta ciidamada dowladda oo iyagu dagaal kula jira kooxaha Islaamiyiinta ee dalka ku sugan.
XS
SM
MD
LG