Isku xirrada

Sarkaal Puntland ah oo Lagu Toogtay Gaalkacyo


Waxaa xalay fiidkii magaalada gaalkacyo lagu toogtay Col. Axmed Maxamed Axmed (Dhegaweyne) oo ahaa isku duwihii Wasaaradda Amniga ee maamul goboleedka Puntland ee gobalka Mudug.

Marxuumka ayaa xilliga la dilay ka soo baxay masjid ku yaala xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaana uu ku sii jeeday gurigiisa oo aan sidaas uga fogayn goobta lagu dilay.

Rag ku hubaysan bastoolado ayaa sarkaalka toogtay kuwaaso goobta ka baxsaday sida ay VOA u sheegeen dad goobjogayaal ah, waxaana isla xalay ciidamada amniga ee Puntland ay baaritaano xoggan ka sameeyeen xaafadda Garsoor iyagoo qaba tuhun la xiriira in ragga dilka gaystay aanay weli goobta ka bixin.
XS
SM
MD
LG