Isku xirrada

Sh. Bashiir Salaad oo Dil ka Badbaadey


Sheekh Bashiir Salaad

Sheekh Bashiir Salaad

Guddoomiyaha Ururka Al-Ictisaam ahna guddoomiyaha Hey'adda Culimada Soomaaliyeed Sh. Bashiir Axmed Salaad maanta ka badbaaday isku day dil oo la damacsanaan in lagu qaarajiyo.

Bam lagu xiray gaariga Shiikha ayaa ku qarxay xilli uu ka baxayey gurigiisa oo ku yaalla degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Shiikh Nuur Baaruud oo ay Shiikh Bashiir wadashaqeeyaan ayaa VOA u sheegay in Shiikhu uu bad qabo, cid qaraxa wax ku noqotayna aysan jirin.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxa, hase ahaatee Sh. Nuur Baaruud ayaa sheegay inay tuhmayaan kooxda Alshabaab.

Wareysiga Sh. Nuur Baaruud Gurxan halkan hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG