Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Dhimasho keenay oo ka dhacay Afghanistan


Map of Jalalabad, Afghanistan
Map of Jalalabad, Afghanistan
Wadanka Afghanistan ayaa bam wadada hareerteeda la dhigay oo ku qarxay gaari bas ah waxaa ku dhintay 9 qof waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 22 kale.

Saraakiil ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay gobalka Wardak uuna haleelay bus ka soo baxay gobalka Ghazni kuna sii jeeday magaalda Kabul. Saraakiisha ayaa sheegay in ay qaraxa ku tuhmayaan inay geesteen dagaalyahaniinta Taliban.

Axaddii shalayna waxaa saraakiil u hadashay wadanka Afghanistan ay sheegeen in duqeyn shinaca cirka ah oo ay geysteen ciidamada huwanta ay ku dhinteen 11 rayid ah oo ay 10 ka mid ahi yihiin caruur, dhacdadan ayaa ka dhacday dhinaca bari ee dalka waqti ay ciidamada Afghanistan iyo kuwa NATO oo is garabsanaya ay fulinayeen howlgal ka dhan ah Taliban.
XS
SM
MD
LG