Isku xirrada

Qurbe: Ururka Ka Joog oo Abaalmarin la Siiyey

  • Maxamud Mascadde

Barnaamijka Qurbe waxaa todobaadkan marti ku ah qaar ka mid ah ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee KA JOOG oo todobaadkii la soo dhaafay ku guuleystay abaalmarin ay bixiso Hay'adda FBI ee Mareykanka.

Abaalmarintan FBIda ayaa waxaa la siiyaa shaqsiyaadka ama ururada doorka fiican ka qaata hogaaminta bulshada.

Ururkan KA JOOG ayaa muddo dhowr sano ah ka soo shaqeynayey wacyigalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee gobalka Minnesota iyo isku xirka ardeyda Soomaaliyeed ee wax kabarata dugsiyada kala gadisan ee gobalka.

Waxaa studiyaha VOA nagu soo booqday Cabdimaalik Xasan Maxamed oo ah guddoomiye ku xigeen ururka KA JOOG iyo Axmed Xirsi 'Southside' oo xubin ka ah ururka, waxa ayna nooga warameen arrimo ay ka mid yihiin abaal marinta ay ku guuleysteen iyo howlaha bulshada ay u qabtaan.

Barnaamijka oo dhan halka hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG