Isku xirrada

Shir lagu Waday inuu Addis Ababa ka Dhaco oo Baaqday


Shir ay codsatay dawladda Somalia, kaas oo ay ku kulmi lahaayeen wasiirradda arrimaha dibadda ee dalalka IGAD ayaa dib loo dhigay ilaa xilli dambe.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia, Marwo Fowziya Yuusuf Xaaji Aadam ayaa u xaqiijisay VOA in shirku uu baaqday iyada oo dawladda Kenya ayaa codsatay in dib loo dhigo, sabab ay sheegtay in dawladaasi ayna wali lahayn wasiir arrimo dibadeed iyo xukuumad shaqeynaysa.

Wararka ayaa sheegaya in shirkaas ay Somalia codsatay, laga yaabo, inuu ka dhaco magaalada Nairobi, maalin ka dib marka la dhaariyo Madaxweynaha la doortay ee Kenya Uhuru Kenyatta. Shirka ayaa laga yaabaa in uu heer madaxweyne noqdo.

Wareysi uu wariye Maxamed Colaad Xasan la yeeshay Falastiin Axmed Iimaan oo hadda ku sugan magaalada Addis Ababa, qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG