Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: Waan sii Wadeynaa Cunaqabateynta Somalia


Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay sii wadeyso cunaqabateyntii ay horey ugu soo rogtay Somalia, gaar ahaan shaqsiyaadka lidka ku ah xasilooni ka dhalata dalkaasi.

Madaxweynaha dalkan Mareykanka Barack Obama ayaa warqad uu u qoray Aqalka Kongareeska ku sheegay in xaalada Somaliya ay weli tahay mid qatar qeyrul Caadi ah ku heysa Amaanka Qaranka Mareykanka iyo siyaasadda Arimaha Dibadda sidaa daraadeedna xaaladii deg degga aheyn ee uu ku dhawaaqay 12kii bishii April ee sanadkii 2010kii, iyo talaabooyinkii ka dambeeyay ee 20kii July sanadkii hore dhaqangalay ay weli yihiin kowo aan waxba iska bedelin.

Bishii January 17keedii sanadkan 2013ka ayaa Dowladda Mareykanka waxey ku dhawaaqday inay si rasmi ah u aqoosatay dowladda Somalia , markii ugu horeysay muddo 21 sanadood ka badan.

Inkastoo aqoonsigaasi uu hoosta ka xariiqayo sida Mareykanka ay uga go’antahay xasilooni ka dhalata Somalia ayuu yiri madaxweyne Obama hadana ,waxaa ka go’an Mareykanka inuu sii wado cunaqabateynta uu ku soo roggay Somalia gaar ahaan, kuwa dibin daabyeeya nabadda iyo xasiloonida.
XS
SM
MD
LG