Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo u Diyaargaroobay Weerarka Korea


Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay filayso in Kuuriyada Waqooyi ay ridi doonto mid ka mid ah gantaaladeeda maalmaha soo socda, isla markaana uu Mareykanku u diyaargaroobayay ka hortago weerar uga yimaada dhinaca Pyyongyoung.

Kuuriyada Waqooyi ayaa Khamiistii sheegtay in ciidankeeda militariga la siiyay oggolaanshihii ugu danbeeyay ee weerar nuclear ah oo ay ku qaadaan Maraykanka.

Khubarrada badankood ayaa iyagu aaminsan in xukuumadda Pyongyang aysan awood u lahayn inay hubka nuclear ah ku weerarto Marayaknka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa uga digay Kuuriyada Waqooyi inay xakameyso hanjbaadeeda Nukliyeer, isagoo sheegay in go'aan khaldan oo ay qaadato oo dagaal ay kula gasho Seoul iyo Washington uu cawaaqib xummo keeni karo.
XS
SM
MD
LG