Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo Albaabada u Laabtay 3 Idaacadood


Maamulka Puntland ayaa maanta amray in la xiro saddex idaacadood oo ka howlgala gudaha deeggaannada Puntland. Idaacadahan oo kala ah Radio Daljir, Codka Nabadda iyo Radio One Nation, ayaa waxaa maanta loo geeyay warqad ka timid wasaaradda Warfaafinta ee Puntland iyo taliska booliska, taasoo faraysay inay joojiyaan shaqooyinka warbaahineed laga bilaabo maanta saacaddu markay ahayd 12-kii duhurnimo.

Maamulka Puntland ayaa idaacaddahan ku eedeeyay inay jabiyeen amar hore loo soo saaray oo sheegayay inay joojiyaan baahinta idaacado kale oo sii mara saddexdan idaacadood, balse idaacaddahan la xiray ayaa iyagu beeniyay inay jabiyeen wax amar ah.

Faadumo Yuusuf Saciid, oo agaasime u ah Radio One Nation ayaa VOA uga warantay xiritaanka idaacadaha wareysigeeda halkan hoose ka dhagayso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:07 0:00
XS
SM
MD
LG