Isku xirrada

War Deg-Deg ah

HRW oo Dhaleeceysay Dowladda Ethiopia


Hay'adda Xuquuqda Aadanaha u dooda ee Human Rights Watch, ayaa warbixin ay soo saartay waxa eedeyn kulu u soo jeedisay dowladda Ethiopia, oo ay ku eedeysay inay xadgudubyo u geysato dadka muslimiinta ah ee dalkaas.

Warbixin maanta ka soo baxay Hay'adda Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in dacwad lagu soo oogay 29 hogaamiye oo mislimiin ah iyo dadkale oo loo adeegsaday xeerka dhinac kasta loo jeedin karo ee la dagaalanka Aragagaxisada ee Ethiopia uu sare u qaadayo walaaca ah inaysan jirin helitaanka maxkamadeyn cadaalad ah.

Maxkamadeynta hogamaiyayaasha ayaa loo ballansan yahay inay maanta dib uga furanto magaalada Addis ababa, kadib markii dib loo dhigay 40 maalmood.

Warbixinta Human Rights Watch, ayaa lagu sheegay in dadka dacwadda lagu soo oogay ay ka mid yihiin hogaamiyayaal muslim ah iyo dad kale oo xabsiga la dhigay bishii July ee sanadkii 2012kii, ka dib lix bilood oo dadweynuhu ay banaanbaxyo ka dhigayeen magaalada Addis Abba iyo meelo kale iyadoo bulshada muslimka ah ee dalka Ethiopia ay ka cabanayeen in dowladdu ay faragalin ku sameeyey diintooda.

Banaanbaxyada muslimiinta ayaa bilaawday ka dib markii ay dowladda Ethiopia ku cadaadisay in Golaha Sare ee Muslimiinta Ethiopia ay ogolaadaan inay ka mid noqdaan xubno ka tirsan firqada islaamka ah ee lagu magacaabo Al-Ahbash, ayna isku dayday in fikirka kooxdaas lagu qasbo bulshada muslimka. Dowladda ayaa sidoo kale faragalin ku sameysay masaajidka Awliya ee magaalda Addis Ababa.

Ku xigeenka madaxa hay’adda Human Rights Watch ee Afrika Leslie Lefkow, ayaa sheegtay in ay u muuqato in dowladda Ethiopia ay si aan xadlaheyn u adeegsato sharciga la dagaalanka argagixisada iyo maxkamadeyn aan cadaalad ahayn, iyadoo dowladdu ay ku joojinayso in dadku ay si nabadgalyo ah u banaan baxaan, Lefkow ayaa intaa ku dartay in sida ay dowladda Ethiopia u maxkamadeysno hogaamiyayaasha muslimiinta ah ay tahay mid siyaasadeysan.

Sheekh Yuusuf Nuur oo ka mid ah Muslimiinta Itoobiya ee deggan UK, ayaa VOA uga waramay dhibaatooyinka ay la kulmaan muslimiinta Ethiopia iyo sida uu u arko maxkamadda ka socota magaalada Addis Ababa.

Wareysiga oo dhameystiran halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:41 0:00
XS
SM
MD
LG