Isku xirrada

Wicitaanka: Prof. Axmed Muumim Warfaa


Wicitaanka

Wicitaanka

Dhawaan waxaa guul dareystay wadahadalo u dhaxeeyay dowladda Somalia iyo maamuka ku meel gaarka ah ee magaalada Kismayo, kuwaas oo ku aadanaa maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo doorka dowladda Somalia.

Dowladda Somalia ayaa aaminsan inay tahay in la raaco dastuurka dalka oo dowladdana ay yeelato hogaanka dhismaha maamulada gobolada, halka maamulayaasha gobolada qaar ah u arkaan inay tahay inay iyaga ka tashtaan aayahooda oo dowladana ay ku taageertaa.

Qodobadaa ayaanu ku qaadaa dhigeynaa barnaamijkeena wicitaanka dhageystaha, waxaana marti ku ah Prof. Axmed Muunim Warfaa, oo wax ka dhiga jaamacad ku taala gobolka Yuta ee dalkan Mareykanka, mudana daraasado ka sameeynayay arimaha maamul goboleedyada.

Inta uu socdo barnaamijka ayaa waxaa Professorka su'aalo ku weydiin doona qaar ka mid ah dhageystayaasheena oo jooga meela kala duwan ee dunida.

XS
SM
MD
LG