Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda: Uhuru waa Madaxweynaha Kenya


Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa go'aamisay in Uhuru Kenyatta uu si sax ah ugu guuleystay doorashadii madaxtinimada ee Kenya ee la qabtay 4-tii March.

Maxkamadda sare ayaa goor dhaweyd soo saartay go'aan ay ku diiday dacwad racfaan ah oo uu qaatay Raila Odinga taasoo uu ku sheegay in doorashadii madatinimada la musuqmaasuqay oo lagu shubtay.

Maxkamadda ayaa horey u amartay in dib loo eego natiijooyinkii ay soo gudbiyeen goobaha codbixinta, dib u eegistaas oo muujisay faraq u dhaxeeya tirada codadka.

Uhuru Kenyatta ayaa noqonaya madaxweynaha Afraad ee Kenya yeelanayso, waxaa xilka loo dhaarin doonaa 9-ka bisha April.
XS
SM
MD
LG