Isku xirrada

Dowladda: Daacuun kama Dillaacin Baladweyne


Dowladda Somalia ayaa beenisay in cudurkii shuban-biyoodka ee ka dilaacay magaalada Beledweyne uu isku baddalay cudurka Daacuunka.

Dhakhtar Soomaali ah oo la shaqeeyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Beledweyne ayaa warbaahinta u sheegay in baadhitaanno laga qaaday dadkii qabay cudurka shubanku ay xaqiijiyeen in cudurka daacuunku ka dilaacay Beledwyne.

Wasiirka adeega bulshada Maryan Qaasim oo maanta safar ku tagtay magaalada Beledweyne ayaa xaqiijisay inaan wax daacuun ah uusan ka jirin Beledweyne.

Warbixin ku saabsan arrintaas halkan hoose ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG