Isku xirrada

Xaaladda Mandela oo ka soo Reyneysa


Madaxweynihii hore ee Koonfur Africa Nelson Mandela ayaa lagu soo waramayaa in caafimaadkiisu uu ka soo reynayo, sadex maalmood ka dib markii cusbitalka loo dhigay infection ama caabuq kaga dhacay Sambabada.

Afhayeen u hadlay, Madaxweyne Jacob Zuma ayaa sheegay in Mr. Mandella oo 94 jir ah, ay xaaladiisa haatan wanaagsantahay, oo uu shalay quraacda si wanaagsan u qaatay.

Madaxweynaha Koonfur Africa Zuma ayaa Qamiistii dadka wadankaasi u sheegay in aaney wel welin oo xaaladda Madaxweynihii hore Mandella ay wanaagsantahay.
Laakiin dadka wadankaasi badankood ayaa aad wer wersan xaaladda Madaxweyne Mandella.
XS
SM
MD
LG