Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan Shiikh oo ka Hadlay Warbixintii HRW


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey warbixintii ka soo baxday Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadanaha ee HRW, warbixintaas oo lagu sheegay in xadgudubyo lagula kaco barakacayaasha ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in isaga iyo dowladda federaalaka ah ee Soomaaliya ay soo dhaweynayaan warbixinta faahfaahsan ee ay hay'addu uga warantay dhibaatada ay barakacayaasha Muqdisho la kulmeen sanadkii 2011-2012kii.

Waxa uuna xusay madaxweynuhu in xadgudubyada ay dadku sheegeen ay yihiin kuwo xanuun badan oo aan gabi ahaanba la aqbali karin in lagula kaco dadka Soomaaliyeed

“Hore ayaan si cad ugu sheegay hadana waan ku celinayaa, waxaa iga go’an in dib loo dhiso hay’adihii ammaanka ee Soomaaliya, iyo in talaabo laga qaado cidii lagu helo inay ku xadgudubtay xuquuqda aadanaha” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa sheegay in dowladdu ay muhiimadda koowaad siinayso dhismaha ciidamada ammaanka sida milateriga iyo booliiska labadaba, waxa uuna sheegay inay dib u habeyntoodu haatanba socoto, ayna isbadal ku sameeyeen hogaanka ciidanka iyagoo meel mariyey tababaro anshaxa iyo howlwanaaga wax kataraya.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay dib udhiska ciidamo ammaanka suga oo ay dadweynuhu aamini karaan kalsoonina ku qabi karaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in go’aankii lagu dhawaaqay bishii February 5teedii ee ahaa in la abuuro Koox madax banaan oo xuquuqda aadanaha ah, ay ujeedadiisu ahayd in wax looga qabto xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo in la baaro kufsiga ka dhanka ah haweenka. Madaxweynuhu waxa uu intaa ku daray in ay si buuxda u fahamsan yihiin mas’uuliyadda ka saaran inay ka hortagaan xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Ugu danbayntii waxa uu madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay dalalka taageera dowladda iyo kuwa ay xulufada yihiin inay ka caawiyaan dowladda Soomaaliya hormarinta awoodooda si ay uga hortagaan dhibaatadan aadka u daran.
XS
SM
MD
LG