Isku xirrada

War Deg-Deg ah

47 Yemeniyiin ah oo ku Xiran Soomaaliland


llaa 47 kalluumaysato u dhalatay dalka Yemen ayaa muddo toban maalmood gaadhaysa ku xidhan degmada Maydh ee ku taalla Gobolka sanaag, Mudadaasna waxay kalluumaysatadani xabsi ku jiraan iyada oo aan maxkamad la soo taagin.

Sidoo kale waxaa shalay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag laga sii daayey 19 kallumaysato Yemeniyiin ah ka dib markii ay bixiyeen ganaax ka badan 3000 oo dollar, hase ahaatee waxay weli ku dayacan yihiin magaalada Ceerigaabo iyaga oo sugaya cid gaadhsiisa Magaalada Maydh ee hore looga soo xidhay.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Somaliland Cabdullaahi Cismaan Geeljire, ayaa arrimahaasi VOA uga waramay.

Wareysiga oo dhan halka hoose ka dhagayso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:46 0:00
XS
SM
MD
LG