Isku xirrada

War Deg-Deg ah

HRW: Haweenka Barakacayaasha waa la Kufsadaa


Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadahana ee HRW ayaa sheegtay in barakacayaasha ku dhaqan magaalada Muqdisho loo geysto xadgudubyo, waxayna ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay ilaaliso ammaanka dadka barakacayaasha ah.

Qoraal soo baxay Arbacadan maanta ah, ayaa Hay’addu ku eedeeysay xoogagga ammaanka ee dowladda iyo kooxo maleeshiyo ah in ay barakacayaasha kula kacaan xadgudbyo isugu jira kufsi, garaacis, heyb sooc, iyo cunnada iyo hoyga oo loo diido.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay tirada dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya inay gaarayso ku dhawaad hal milyan iyo bar, kuwaasoo kala bar ay ku nool yihiin Muqdisho iyo deegaannada dhinaca koofure ka xiga magaalada.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa sidoo kale sheegtay in dhibaatada ugu daran ee ka dhacda xeryaha barakacayaasha ay tahay kufsi, iyadoo haweenka iyo gabdhaha ay soo wajahdo dhibaatada kufsigu.

Falalkan kufsiga ah ayaa Hay’addu sheegtay inaan inta badan la diiwaan galin amaba aan la sheegin, waxaana taa ugu wacan iyadoo haweenka la kufsado ay ka cabsadaan in laga aarguto iyo in bulashada laga sooco.

Arrinta kufisga ayaa sanadkan waxa ay soo jiidatay indhaha caalamka, markii maxkamadda gobalka banaadir ay xukuntay qof haweeney ah oo sheegatay in ay kufsadeen ciidamada dowladda markii ay degeneyd xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xukuntay weriyihii wareysatay gabadha. Kooxaha xuquuqda Aadanaha iyo ururada u dooda warbaahinta ayaa ka soo horjeestay xukunka maxkamadda iyagoo sheegay in kiisku uu ahaa mid la siyaasadeeyey.

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa dhawaan sii daysay wariyaha iyo haweyneyda, bil ka dib markii lagu xukumay hal sano oo xarig ah.

Warbixinta HRW iyo wareysi halkan ka dhagayso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:14:19 0:00
XS
SM
MD
LG