Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Roobab Dhimasho Keenay oo Ka Da'ay Jabuuti


Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhintay dalka Jabuuti ka dib roobab iyo daadad xoog leh ay halkaasi ka da’een shalay.

Toddoba ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa askar uu babauurkii ay la socdeen uu daadku qaaday, sidoo kale waxaa la la’yahay ilaa siddeed askari oo kale.

Qof rayid ah ayaa isna la sheegay inuu ku dhintay caasimadda Jabuuti.

Roobabkan ayaa ah kuwii ugu xoogganaa ee in muddo ah ka da’a dalka Jabuuti.

Wareysi ku saabsan daadadka Jabuuti halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:59 0:00
XS
SM
MD
LG