Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jabhad Qabsatay Bangui iyo Bozize oo Baxsaday


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Bariga Afrika Francois Bozize
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Bariga Afrika Francois Bozize
Falaagada ka dagaalanta wadanka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa maanta la wareegtay magaalada caasimadda ah ee Bangui, taasoo keentay in madaxweyne Francois Bozize uu isaga cararo magaalada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in magaalada uu goor hore oo Axaddan maanta ah ka dhacay dagaal aad u culus ka hor intii aan falaafadu qabsan xarunta madaxtooyada.

Masuuliyiintu si cad uma aaney sheegin halka uu u baxsaday Madaxweyne Bozize, Hase ahaatee wakaalada wararka ee Reuters ayaa soo xigatay mid ka mid ah la taliyayaasha madaxweynaha oo sheegay in Mr.Bozize uu goor hore oo Axaddan maanta ah u talaabay dhanka dalka ay dariska yihiin ee Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo.

Falaagada ayaa ku soo siqay magaalada Bangui Sabtidii shalay, iyagoo iska indha tiray hadal ka soo yeeray Raiisul wasaaraha Jamhuuriyadda Bariga Afrika oo ku baaqayey wadahadalo si looga baaqsado in dhiig uu daato.


Afhayeen u hadlay dowladda oo Sabtidii shalay wareysi siiyey qeybta faransiiska ee VOA, ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Nicolas Tiangaye uu ugu baaqay falaagada Seleka inay qayb ka noqoto dowlad midnimo qaran si loo gaaro xal nabadeed. Hase ahaatee falaagada Seleka ayaa sheegtay inay wadahadalka ogolaanayaan oo kaliya marka uu meesha ka baxao Madaxweyne Bozize.
XS
SM
MD
LG