Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaan Dad ku Dishay Bariga Bangladesh


Saraakiil ku sugan bariga Bangladesh ayaa sheegay in duufaan ku dhufatay kudhawaad 12 tuulo ay ku dhinteen 20 qof ayna ku dhaawacmeen ugu yaraan 200 qof oo kale.

Mas'uuliyiin ku sugan goobaha ay duufaantu ku dhufatay Sabtidan maanta ah, ayaa sheegay in tirada dhimashada la filayo inay kor u sii kacdo.

Duufaanta ayaa qasaare gaarsiisay boqolaal guri iyo dukaamo, waxaana sidoo kale ay dhulka dhigtay geedihii iyo baalayaashii korontada.
XS
SM
MD
LG