Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha


Warar goor dhowayd naga soo gaaray magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qof ismiidaamiyey uu isku qarxiyey meel u dhow laanta hay’adda sirdoonka NSA ay ku leedahay Suuqa Bakaaraha Muqdishu.

Mid ka mid ah saraakiisha dawladda ayaa VOA u sheegay in qaraxaasi uu ku dhintay qofkii ay ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa.

Dad goobjoogayaalna waxay idaacadda VOA u sheegeen inay ku dhaawacmeen ugu yaraan saddex qof oo kale oo rayid ah.

Qaraxan ayaa imanaya afar maalmood kadib markii qarax kale oo ismiidaamin ah lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda sridoonka NSA kaasi oo ay ku dhinteen ilaa 10 qof.
XS
SM
MD
LG