Isku xirrada

Somalia: Waa inaan Ku Biirnaa Guddiga XAQM


Hassan Sh. Mahamud iyo Shamsul Baari oo Muqdisho ku kulmay.

Hassan Sh. Mahamud iyo Shamsul Baari oo Muqdisho ku kulmay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku saabsan Xuquuqda Aadanaha kula yeeshay Khabiirka Madaxanaan ee Xuquuqda Aadanaha QM ee Somaliya Shamsul Baari.

Kulanka ka dib madaxweynaha oo la hadlayey saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dooneyso inay xubin ka noqoto Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, taasoo macnaheedu yahay buu yiri inay waajib tahay inaan isku dayno inaan wanaajino sooyaalkeena dhinaca xuquuqda aadanaha islamarkaana aan ku dabaqno wax kasta oo aan qabanayno.

Madaxweynaha oo ka waramayey sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay in la hormariyo Garsoorka, ayaa waxa uu sheegay in dhawaan magaalada Muqdisho lagu qaban doono shir looga hadlayo sidii dib u habeyn iyo hormarin loogu sameyn lahaa Garsoorka iyo Amniga Soomaaliya, iyadoo shirkaas ay ka soo qeyb geli doonaan quburo isugu jirta Soomaali iyo ajaanib.

“waxaan idiin xaqiijinayaa , dhammaan muawaadiniinta Soomaaliyeed in muhiimadda Tiirka kowaad ee dowladda uu yahay Amniga taasna ay qeyb ka yahay xuquuqda Aadanaha . Waana ay ka go’an tahay dowladda Insha Allahna waan gaari doonaa.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale waxa uu madaxweynuhu taxcsi u diray ehelkii iyo qosaskii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxii maalintii Isniinta ka dhacay magaalada Muqdisho.
XS
SM
MD
LG