Isku xirrada

Sheekh Caan ah oo Xudur Lagu Dilay

  • Mukhtaar Catoosh

Xudur

Xudur


Sheekh C/raxman Macalin Warsame oo ka tirsanaa culumada sida weyn looga yaqaan gobolada Bay iyo Bakool ayaa xalay lagu dilay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Sida dadka degaanka ay sheegayaan sheekha ayaa rag hubeysan ay kala baxeen gurigiisa xalay waxaana meydka sheikh Cabdiraxman sakay laga helay meel ku dhow gurigiisa.

Saraakiisha dowladda Somalia ee gobolkaasi ayaa ku eedeyay dilka Sheekha kooxda Al-shabab.

Dilka Sheikha oo muddo 40 sanadood ah Iman ka ahaa Masjid ku yaala Magaalada Xudur, kana aqrin jiray daruusta diinta, gaar ahaan tafsiirka quraanka, ayaa ku soo beegmaya laba maalmiid un ka dib markii ay magaaladaasi galeen maleeshiyaadka kooxda Al-shabab, ka dib markii ciidamada Ethiopia iyo kuwa maamulka gobolka ee dowladda Somalia ay halkaasi si lama filaan ah isaga baxeen.

Taliyaha ciidamada dowladda ee gobolada Bay iyo Bakool Colonel Xassan Isaaq Cumar ayaa u sheegay VOAda in go'aanka ciidamada dowladda Ethiopia ay kaga baxeen Xudur aysan waxba kala socon, waxuuna intaasi ku daray inay dib u qabsadeen degaanka oo ay Al-shabab muddo kooban soo galeen markii uu halkaasi dagaal ka dhacay.

Waxa uu sheeg in ciidamada Ethiopia ay weli ku suganyihiin qeybo kale oo ka mid ah gobolka.
XS
SM
MD
LG