Isku xirrada

War Deg-Deg ah

8 Qof oo ku Dhintay Qaraxa Muqdisho


Ugu yaraan 8 qof ayaa dhintay in kabadan 10 qofna way ku dhaawacmeen qarax baaabuur oo maanta ka dhacay agagaarka Ex-Fiyoore ee Muqdisho.

Qaraxan ayaa loo waday baabuur uu saarnaa taliyaha ciidamada nabadsugida gobolka Benaadir Col. Khaliif Axmed Ereg oo isagu qaraxaasi ku dhaawacmay.

Qaraxan baabuur ayaa haleelay baabuur bus ah oo ay saarnaayeen rakaab ay ku jiraan caruur arday ah. Dadka dhintay waxaa ka mid ah arday, saxafi ka tirsan weriyayaasha Muqdisho iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda

Taliyaha hoggaanka danbi-baadhista Generaal C/laahi Xasan Bariise ayaa VOA u sheegay in qaraxan uusan waxba ku noqon Col. Khaliif Ereg oo isaga lagu bartilmaameedsanayay, balse ay dad rayid ah wax ku noqdeen.

Ururka al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda qaraxan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u canbaareeyey qaraxan ismiidaaminta ahaa, wuxuuna sheegay in ururka al-Shabaab uu ka danbeeyo qaraxaasi oo ay si naxariis darro ah u leynayaaan shacabka kadib markii dhinaca militariga looga adkaaday.

please wait

No media source currently available

0:00 0:13:21 0:00
XS
SM
MD
LG